Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo War Lama Filaan ah Kasoo Saaray Hubii Dhawaan Soo...

Maamulka Puntland oo War Lama Filaan ah Kasoo Saaray Hubii Dhawaan Soo Galay Deegaanadooda

0

Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu hub iyo saanad ciidan kasoo iibsaday dowladda Itoobiya, xilli uu dhawaan hubkaasi gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas.

Hubkan oo sida aan horey u tabinay ku rarnaa gawaarida nooca xamuulka ayaa waxay maanta Puntland sii deysay war meesha looga saarayo arrintaasi, iyadoo sheegtay in baabuurtaas ay wadeen khudaar laga soo iibsaday Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid oo maanta wareysi bixiyay ayaa sidoo kale waxa uu ka digay hubka ay dowladda Masar keentay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Puntland hub ma keensan ee waxa aragteen waxay ahaayeen baabuur sida Baradho iyo Yaanyo. Waxaad aragteen un gawaaridii khudaarta keeni jiray oo shiraac saaran yahay oo baabuur waardiyeynayso,” ayuu yiri wasiirka warfaafintaPuntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digeynaa hubka dowladda Soomaaliya la timid in si khaldan loo adeegsado, waan ka digeynaa wixii xasillooni darro horseedaya gobolka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan ka maamul ahaan ku baaqeyn hadda dagaal ka dhan ah Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Soomaaliya, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo midnimadeeda.

“Dowladda federaalka hoggaamin sax ah ayaa laga rabaa, anagu dagaal cidna ku qaadi mayno, kuna talin mayno in hadda dagaal la galo oo dagaal gobolka Geeska Afrika waa kasoo daalay, cid walba nabadda ayey dan ugu jirtaa.”

Hadalka Wasiirka ayaa durba loo fasirtay mid lagu qarinayo hub xogtiisa ay banaanka taallay maalmo, iyadoo wax lala yaabo ay tahay sababta kusoo aadisay in dowladda sii deyso warkaan maanta oo Muqdisho ay yimaadeen maraakiib sida hub iyo saanad ciidan, kuwaas oo qeyb ka ah heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Hubka Kayimid Masare oo Maalmo Dagi Doona