Home Wararka Maanta Magaalada Bosaaso Ma markale ayay Martigalin Doontaa Dagaal Dhexmara Deni iyo Reer...

Magaalada Bosaaso Ma markale ayay Martigalin Doontaa Dagaal Dhexmara Deni iyo Reer Diyaano Maxaa Dhaccay Maantay?

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay xaalad kacsanaan ah laga dareemay magaaladaasi oo ay indhowanahayaan isku hayaan ciidamada PSF iy sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada, kuwaas oo la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo dadka deegaanka ku beeray cabsi dagaal.

Taliska qaynta booliska gobolka Bari oo war soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ay ku jiraan kaliya howlahooda shaqo, isla markaana aysan jirin wax dhibaato.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ay xaaladda nabad-gelyada tahay mid deggan.

“Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii  caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa kale oo warkan lagu xaqiijiyay in aysan jirin ciidamo hubeysan oo isku horfadhiyo bartamaha magaalada Boosaaso, ayna been abuur yihiin wararka la faafiyay.

“Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa  inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan darrida ah.

“Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka.

Xaaladda kasoo cusboonaatay Boosaaso ayaa ka dhalatay kadib digniin culus oo ay soo saareen ciidanka PSF-ta oo sheegay in loo diiday isticmaalka garoonka Boosaaso.

Ad
Previous articleMuxuu Ahaa Xalay Markabkii Hubka Laga Dajiyay ee Kusoo Xirtay Dekada Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Hubka Kayimid Masare oo Maalmo Dagi Doona