Home Wararka Maanta War Deg Deg AH:Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF oo lagu rasaaseeyay...

War Deg Deg AH:Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF oo lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso

0

Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha.

General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada.

Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhawaan ayey aheyd markii ay xiisadda PSF iyo maamulka ay horseeday inuu maalmo xirmo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay PSF u digtay diyaaradaha adeegsada garoonka.

Inkasta oo shaqadii garoonka ay sidii caadiga aheyd kusoo laabatay, haddana waxaa magaalada Boosaaso ka taagan xiisadda u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda Saciid Deni, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo Muujisay Heshiiskii Laftagareen Iyo Xasan Shiikh
Next articleHub Caawa Ka Dagaaya Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka oo Xiran