Home Wararka Maanta Xasan Shiikh Ma Wuxuu Qaaday Wadadii Farmaajo Muxuu Sameeyey Maantay?

Xasan Shiikh Ma Wuxuu Qaaday Wadadii Farmaajo Muxuu Sameeyey Maantay?

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu qaaday waddadii uu horay maray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo ah la weeraro siyaasiyiinta iyo in laga hor istaago madaxdii, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada safarada gudaha ee ay galayaan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay hayso raadka dowladda hore, wuxuuna sheegay in uu dhammaaday waqtigii la’isku dulmin jiray magaca dowladda.

“Haddii dowladdii hore wax xun sameysay hadda la hayaa raadkeeda in wixii xumaa ee la koobiyeeeyo” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dowladda dhexe ay xoogga saarto sidii ay dadka isugu soo dhaweyn laheydm iyada oo la sameynayo dib u heshiisiin laga soo bilaabayo gobollada.

“Waxaan soo jeedinaa in wax laga barto wixii xumaa ee ahaa in madaxda lagu duullo, guribaa u dhacayaa qofbaan dilayaa qoray ayaa xoog ku qaadayaa maanta waqtigeeda maaha, waa inaan ka hadalnaa sidee ku heshiinaa? ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Khaliif Cabdi Cumar ayaa intaasi ku daray in xaaladda dalka kaliya looga gudbi karo in laga shaqeeyo danta guud ee qaranka, si la’isaga kaashado horumarka dalka.

“Horta wax walba waxay noqonayaan qabiil, haddii la rabo in dowladnimo la’isku adeegsado, sidaas darteed cid cid ku duuli karto ma jirto, marka laga reebo danta guud ee dalka aan ka wada shaqeyno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalmihii lasoo dhaafay dowladda dhexe ay xayiraad saartay xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sababo la xiriira khilaafka u dhexe Villa Soomaaliia iyo Lafgareen.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse Cabdi Barre oo Goordhow U Dhoofay Dalka Maraykan
Next articleDowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo Muujisay Heshiiskii Laftagareen Iyo Xasan Shiikh