Home Wararka Maanta Ma Dhabaa in Laftagareen iyo Xasan shiikh Heshiiyeen?

Ma Dhabaa in Laftagareen iyo Xasan shiikh Heshiiyeen?

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay maamulka koofur galbeed iyo dawladda federaalka.

Arrintan ayaa sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC waxaa ka shaqeeyey xubno uu ugu cadcaddaa taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo khilaafka dartiis u tegey Baydhabo.

Ilahaas ayaa intaa ku daray in jeneraalka iyo madaxweynaha koofur galbeed ay laba maalmood oo xiriir ah ku wada hadlayeen magaalada Baydhabo, ayagoo ugu dambayntiina isku afgartay dhowr qodob oo hordhac, waxaana ka mid ah:

– In madaxweynaha koofur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qayb galo shirka madasha ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco 25ka Bishan.

– In xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, wixii dhimanna Muqdisho lagu dhameeyo.

– In duullimaadyada iyo isu socodka koofur galbeed gudaheeda iyo koofur galbeed iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan la carqaladayn.

Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wadahadal kula soo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxay isku hayaan dowladda federaalka iyo Koonfur galbeed?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayaya in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyo in uu Muqdisho yimaado si wadahadallo dheeraad ah looga yeesho arimaha taagan, taas oo uu ka caga jideyayey Cabdicasii Lafta Gareen.

Arimaha la isku hayo waxa ka mid ah doorashada maamullada, tan Federaalka iyo shirka soo socdo ee wadatshiga Qaran. Wararku wax ay sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan wax natiijo ahi kasoo bixin kullamada Taliyaha Ciidamda Asluubta iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhanka kale maalinnimadii shalay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisha waxa uu kulan ku dhexmaray siyaasayiiin reer koonfur Galbeed ah oo mucaaradsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed CabdicasiisLaftagareen iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta la kulantay safiirka Maraykanka waxa ka mid ahaa Guddoomiyaashii horre ee Baarlmaanka Federaalka ah, Shariif Xasan Shelh Aden iyo Maxamed Mursal, Wasiirki hore ee maaliyada ee Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeti iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

War kooban oo lagu soo qoray barta ay saffaaradda Maraykanka ku leedahay barta X, ayaa lagu sheegay in ay caafimad u tahay dimuquraadiyadda in la dhageysto hogaamiyaasha mucaardka iyo in la xushmeeyo arigtitooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isulwsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare uu booqsho ku tagay magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleAskar la duubay iyaga oo mayd ka soo tuuraya dabaq dushiis oo ay dawladoodu baaritaan ku bilowday
Next articleDagaal aad u Foolxun oo ka Dhex Qarxay Beelaha Wacaysle iyo Mursade ee Galmudug