Home Wararka Maanta Wiilkii Museveni oo sheegay in aanu aabbihii la tartami doonin

Wiilkii Museveni oo sheegay in aanu aabbihii la tartami doonin

0

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa shaaciyay inuusan u tartami doonin doorashada madaxweynaha ee 2026.

“Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaanan u tartami doonin hogaaminta doorashada 2026,” ayuu Janaraal Muhoozi ku qoray fariin uu ku baahiyay shabakadda X (hore loogu yiqiin Twitter).

“Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan diiradda saaro arrimaha Ciidamada marka hore. Sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageersanahay Madaxweyna Yoweri Museveni doorashada xigta,” ayuu ku daray.

Fariin kale oo uu soo dhigay, ayuu ku adkeeyay ballanqaadkiisa inuu u adeegayo Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF).

Shaacinta ayaa timid xilli saameynta Janaraal Muhoozi ay sii kordhayso sida hogaamiye milatari iyo mid siyaasadeed. Muhoozi, oo ah Janaraal muran badan dhaliyay oo marar badan ka hadlay arrimaha bulshada khuseeya, ayaa horey u shaaciyay inuu u tartami doono madaxweynaha 2026.

Sida dal kasta oo kale, doorashada 2026 ee Uganda ayaa la filayaa inay soo jiidato musharrixiin kale oo u tartama jagada madaxweynaha.

Janaraal Muhoozi ayaa ah nin lagu yaqaano hadalada la yaabka leh ee hadal haynta dhaliya.

Gudaha Uganda waxaa dad badani ku naaneysaan “Janaraalka Twitter ka”. Waxaa kale oo lagu yaqaanaa in uu marar badan sameeyo hadallo kicin ah – iyo kuwa kale oo kaftan u badan, kuwaas oo uu soo galiyo baraha bulshada.

Bishii Oktoobar ee sandkii 2022 kii, wuxuu dhaliyay hadal hayn aad u nadam oo caalami ah ka dib markii uu si aan qarsooneyn uu 100 neef lo’ ah gabaati ahaan ugu yaboohay Giorgia Meloni, oo xilligaas qarka u saarneed in ay noqoto ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, waxa uuna raaciyay hanjabaad ah in uu qabsan doono caasimadda Talyaaniga ee Rome haddii dalabka la diido.

Waxa kale oo uu ku hanjabay in uu Kenya soo weerari doono oo uu Nairobi qabsan doono, taas oo keentay in Aabihiis, Madaxweyne Museveni, uu ka cudur-daarto warkaas.

Arrintaas ayaa sidoo kale sababtay in Muhoozi laga qaado kaalintiisii taliyaha ciidamada Uganda. Si kastaba ha ahaatee, dib ayaa loo soo celiyay waxaana loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidamada Difaaca markii ay taariikhdu ahayd bishii Maarso 2024.

Inkasta oo uu hab dhaqankiisu yahay mid mar walba muran badan dhaliya, hadana Muhoozi waxa uu weli yahay xubin udub dhexaad u ah millatariga iyo siyaasadda Uganda, isaga oo ku dhawaad hal milyan oo followers ah ku leh barta X.

Ad
Previous articleP.M Xamse oo Ku Wajahan Dalka Maraykanka iyo Xogata Safarkiisa
Next articleAskar la duubay iyaga oo mayd ka soo tuuraya dabaq dushiis oo ay dawladoodu baaritaan ku bilowday