Home Wararka Maanta Deni oonXasan Shiikh usoo diray Digniin kadib Hubkii Shalay

Deni oonXasan Shiikh usoo diray Digniin kadib Hubkii Shalay

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan dowlad dhiska, maadaama ay taagan tahay xiisad maamulkiisa kala dhexeyso dowladda dexe iyo mid kale oo Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Saciid Deni ayaa guud ahaaneed uga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna jeediyay farriin culus isaga oo ka digay in dib Soomaaliya loogu celiyo xaaladdii laga soo gudbay ee Carte.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la saxo qaladaadka jira, isla markaana la xoojiyo meelaha ay ka dabacsan tahay dowladnimada Soomaaliya

“Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haboon maanta meesha aan joogno inaanu dib uga noqonin Carte iyo shirarkii lamidka ahaa, laakiin meelaha ay ka liiceyso inaan ka toosino aan ku darsano xisaabta”.

Dhinaca kale wuxuu toos ula hadlay madaxda dowladda dhexe, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaaiyeyaasha maamul goboleedka oo uu ugu baaqday inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda kale ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiska ku wada yihiin.

“Waxaa sidoo kale fursaddan uga faa’ideysanayaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadka heshiisku ku yahay” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay farogelinta shesheeyaha uu ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Dagaalka Soomaaliya, Soomaali keliya hadii ay tahay waa hore ayey heshiin laheyd laakiin farogelinta deriska iyo Caalamka ayaa nagu jirta”.

Hadalkan dabacsan kasoo baxay hoggaamiyaha Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad meel xun gaartay oo maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka, taas oo illaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.

Ad
Previous articleDegmada Karaan oo Markale Cagaha Lagashay Xaalad Halis ah