Home Wararka Maanta Muxuu Aha Heshiiska Lagu Saxiixay addisababa oo Soomaaliya Qaybta Ka Tahay?

Muxuu Aha Heshiiska Lagu Saxiixay addisababa oo Soomaaliya Qaybta Ka Tahay?

0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ka dhacay saxiix ay qeyb ka tahay Soomaaliya iyo dalalka kale. Saxiixan oo ahaa midka qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034 ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiiradda dalxiiska ee IGAD.

Waxaa xusid mudan in wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu ka baaqday shirkan, taas bedelkeedana uu saxiixan u wakiishay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa.

Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Soomaaliya u saxiixay qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirada dalxiiska ee dalalka ku bahoobay IGAD.

Ad
Previous articleBooliska Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Halmar Hubkii Ugu Badnaa Iyo Ragii Watay
Next articleLaftagareen iyo Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn Telefoon kuwada Hadlay