Home Wararka Caalamka Israil oo Weerar Dunida ka Yaabiyay Ku Qaaday Xisbullaahi

Israil oo Weerar Dunida ka Yaabiyay Ku Qaaday Xisbullaahi

0

2,750 qof ayaa ku dhaawacmay isgaarsiintii Kooxda Xisblaah ee ay Israaiil qarxisay makhribnimadii Shalay, waxaana dhintay 8 qof oo ay Gabar katirsan Amniyaadka Xsblaah kujirto.

Qalabka la qarxiyey 5 bilood kaliya ayaa la isticmaalayay oo uu kujiray gacanta kooxda Xisblaah, tan oo ka dhigaysa in MOSSAD ku leedahay gudaha Lubnaan dirsanayaal firfircoon.

Xubnaha waxyeelada ugu badan gaartay waa Unugyada sirdoonka iyo kooxaha Amniyaad oo ay kujiraan garabka siyaasada, iyadoo aad loo koobay macluumaadka, warar hoosadyo laga helay dhinaca Lubnaan ayaa sheegaya in dhaawacyada ay kujiraan xubno muhiim ah oo katirsan kooxdan.

Hoggaamiyaha kooxda Lubnaan ayaa la sheegayaa in uu badqabo oo aysan weerarkan waxba ka soo gaarin, sida uu Sarkaal sare oo katirsan kooxda Isgaarsiinta la weeraray u sheegay Reuters.

Ad
Previous articleMaamulka Baraawe oo Ka Hadlay Xiisada Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya
Next articleAfar carruur ah oo ay ku xirantay tallaajad ay ku ciyaarayeen oo geeriyooday