Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Maxkamadda Sare ee dalka oo Go,aan ka Gaartay...

War Deg Deg Ah: Maxkamadda Sare ee dalka oo Go,aan ka Gaartay Kiiska Sayid Cali ee Gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis

0

Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, ayaa ka gaartay go’aan rasmi ah, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhiga maanta oo uu soo xiray guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa sheegay in Sayid-Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maxkamaddu ay go’aankii dilka toogashada ahaa ku raacday maxkamadda racfaanka iyo tii darajada koowaad ee horay usoo xukumay Sayid Cali.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali, mana jiri doono racfaan kale oo uu ka qaadan doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyay go’aankan ehellada marxuumadda oo uu ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis oo muddo dheer sugayay cadaalad ay hesho gabadhiisa.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya
Next articleMadaxii Favori ee Garoona Muqdisho oo Maxkamad Lasoo Saaraayo Xabsina La Dhigay