Home Wararka Maanta Wafdigii Kasocda IGAD oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Wafdigii Kasocda IGAD oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda urur-goboleedka IGAD.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyeh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Wafdiga ayaa waxaa intaas kadib loo galbiyay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, halkaasi oo ay hadda kulamo uga socdaan wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnaha uu horkacayo xoghayaha fulinta IGAD.

Sidoo kale waxay ay wafdiga Workneh Gebeyeh kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalka, si ay uga wada-hadalaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta urur-goboleedka IGAD.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankooda looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa is-afgaradkii sharci darrada ah ee xukuumadda Abiy ay la gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa diidmada heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadeeda gaarsiiyay saaxiibadda iyo caalamka, iyada oo si weyn uga hortimid in Itoobiya loo gacan geliyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya oo xubin ka ah ururkaan ayaa xaq ku leh inay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama inay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya
Next articleMaamulka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya oo Sii kala Fogaaday maxaa Maantay Dhacay?