Home Wararka Maanta Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee...

Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya

0

Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa loogu gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaasi uu marayo meel wanaagsan, isaggoo tilmaamay in dhaqan-galka heshiiskan ay kasoo horjeedan labada dal oo keliya oo ah Soomaaliya iyo Jabuuti, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in urur-goboleedka IGAD uusan kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, xilli ay ururada gobolka iyo caalamkaba si adag uga horyimaadeen heshiiskaasi, una caddeeyeen madax-banaanida iyo qarranimada Soomaaliya.

“Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, sidoo waxaa kasoo horjeeda madaxweynaha Jabuuti (dalka Jabuuti). Dal kale oo kasoo horjeeda maleh, toddoba dowladood ayaa IGAD laysku yiraahda, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in Abiy uu shirkii Shiinaha iyo Afrika uu ka sheegay in heshiiskan uu soconayo, wallow uu Shiinaha oo saaxiib la’ah Soomaaliya uusan ku faraxsaneyn is-afgaradka, waxa uuna sheegay in aanay ka hadal.

Somaliland oo weli ku dhagan heshiiskii horraantii sanadkan ay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayeysa inay iib-geyso in uusan caalamka kasoo horjeedin heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd uu sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, lana dhaqan-geli lahaa, isaggoo diblumaasiyiinta caalamka ee ku sugan Hargeysa ku wargeliyay middaasi.

Heshiiskan ayaa xiisad xooggan ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay tiraba fashilmeen laba wada-hadal oo Ankara ku dhex-maray labada dal, sidoo kalena uu dib u dhac ku yimid wejiga saddexaad ee wada-hadallada oo loo ballansanaa bishan dhexdeeda, maadaam uusan illaa hadda jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNinkii Sida Argagax Leh Warta Nabada Ugu Dilay Maaido oo Gacanta Lagu Soo Dhigay lana ogaaday Waxa ka dhaxeeyey
Next articleWafdigii Kasocda IGAD oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho(Sawiro)