Home Wararka Maanta Puntland oo Hanjabaad Culus u Diray Ciidamada PSF

Puntland oo Hanjabaad Culus u Diray Ciidamada PSF

0

Puntland oo Hanjabaad Culus u Diray Ciidamada PS

Wasiirka warfaafinta Puntland oo war culus soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso, kadib markii ay tallaabo qaadeen ciidanka PSF, taas oo keentay inuu xirmo garoonka magaaladaasi.

Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta xukuumaddda madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay  in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda, wuxuuna sheegay inay ka hortegayaan cid kasta oo kasoo horjeedo Puntland.

Wasiirka ayaa ku dooday in Puntland ay mandate u haysato inay maamusho guud ahaan deegaannadeeda oo ay ku jirto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabaan ciidanka Puntland Security Force (PSF), isaga oo sheegay in loo baahan yahay in cabashadooda usoo maraan sharciga.

“Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta ay istaagtay shaqadii garoonka Boosaaso, sababo la xiriira digniinta kasoo baxay ciidanka PSF ee deggan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGantaal laga riday Yemen oo ku dhacay Bartamaha Israa’iil
Next articleXoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD oo maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho