Home Wararka Maanta Gantaal laga riday Yemen oo ku dhacay Bartamaha Israa’iil

Gantaal laga riday Yemen oo ku dhacay Bartamaha Israa’iil

0

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo riday dalka Yemen uu ku dhacay Bartamaha Israa’iil, gaar ahaan dhul furan saaka oo Axad ah.

Bayaan uu soo saaray ciidanka Israa’iil waxa uu ku sheegay in gantaal nooca dhul ka dhul uu ku dhacay dhul furan oo ku yaala Bartamaha Israa’iil, lamana soo werin khasaare nafeed uu uu geystay sida laga soo xigtay ciidanka.

Sidoo kale hoggaanka gudaha Israa’iil ayaa sheegay digniinno la xiriirrra in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn soo galeen hawada Israa’iil kuwaas oo laga soo kiciyay kurayaatka Shamuunah iyo magaalooyin kale oo ku dhaw xuduudda Lubnaan.

Wargeyska Times of Israel ayaa isna sheegay in digniinno badan saaka ka jireen deegaannada Bariga Jaliil oo ay ku jiraan degmooyinka Madillah, Tel-Xawa, iyo Manaarah.

Warbaahinta afka cibriga ku hadasha ayaa iyana werisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga soo kiciyay Lubnaan ay ku qaraxday tuulada Madillah ee xuduudda woqooyi ee Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay u kuur galayaan warrarka la xiriirra diyaaraddaas, in kastoo ay sheegeen in cid wax ku noqotay aanay jirin marka laga reebo burbur ay geysatay.

Sida laga soo xigtay wargeyska diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa qaraxday kahor inta aan laga dhawaajin codadka digniinnaha bixiya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSirdoonka Masar iyo madaxweynaha Eritrea oo ku heshiiyay arrin ku saabsan Soomaaliya
Next articlePuntland oo Hanjabaad Culus u Diray Ciidamada PSF