Home Wararka Maanta Diyaaraddaha dagaalka ee Suudaan oo isla Xeradoodii ku garaacay Duqayn Culus

Diyaaraddaha dagaalka ee Suudaan oo isla Xeradoodii ku garaacay Duqayn Culus

0

Diyaaraddaha dagaalka ee wadanka Suudaan ayaa si kam ah u garaacay xero milatarigu leeyahay oo ku taala magaalada Al-Faashir, halkaas oo ay ku dhinteen shan askari, kuna dhawaacmeen sagaal kale.

Sedexdii maamlmood ee ugu dambeeyay waxa si weyn u xoogeystay dagaalka dhexmaraya ciidamada milatariga Suudaan iyo xoogagga sida milatariga u tababaran ee RSF.

Illo wareedyo ka tirsan milatariga ayaa laga soo xigtay in si lama filaan ah loo garaacay xero ay daganaayeen ciidanka dhulka oo doonaya in ay hor istaagaan kooxaha RSF oo doonaya in ay soo galaan magaalada Al-Faashir.

RSF tan iyo bishii May waxay isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada Al-Faashir.

Xaaladda dadka rayidka ayaa aad uga sii daraysa aaggaasi.

Adeegga caafimaadka ayaa aad ugu yar kaddib markii xooggaga RSF ay weerareen isla markaana bililiqeysteen isbitaal kii magaalada Al-Faashir. Cuntada ayaa gabaabsi ah.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in weerarka RSF dartiis aan gargaarka la gaarsiin karin xeryaha dadka gudaha ku barakacay, halkaas oo ay ku nool yihiin kumannaan caruurra oo nafaqo daro ba’ani hayso, wajahayana xaalad khatara.

Haddii magaaladu u gacan gasho waxa laga cabsi qabaa in musiibo weyni dhacdo, waxana RSF horey loogu diiwan galiyay in dillal isir sifeyn ah ay ka geysteen Galbeedka Gobolka Daarfuur.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada PSF oo Digniin Culus U diray Diyaarada Itoobiya iyo Daalo
Next articleSirdoonka Masar iyo madaxweynaha Eritrea oo ku heshiiyay arrin ku saabsan Soomaaliya