Home Wararka Maanta Ciidamada PSF oo Digniin Culus U diray Diyaarada Itoobiya iyo Daalo

Ciidamada PSF oo Digniin Culus U diray Diyaarada Itoobiya iyo Daalo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa ciidamada PSF iyo maamulka Puntland ee ka taagan garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ay isku qabteen labada dhinac.

PSF ayaa mar kale xalay soo saartay digniin culus, waxayna sii adkeystay digniintii hore ee ahayd in laga fogaado aagga garoonka Boosaaso, sidoo kalena aysan kasoo dagi karin diyaaradaha duulimaadka.

Qoraalka taliska oo xalay la shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada.

Khilaafka ugu wayn ayaa ka dhashay isticmaalka garoonka oo ay PSF sheegtay in loo diiday ciidamadeeda iyo xittaa in laga dhoofiyo askar ka dhaawacantay, waxayna Puntland ku eedeysay inay garoonka u beddashay xero ciidan.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF.

Puntland ayaa iyana maalin kahor jawaab ka bixisay digniinta ciidanka PSF, waxayna hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo.

“Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Jubaland oo Maantay Markale Alshabaab Weerar Soo Qaaday Afka Ciida Udaray
Next articleDiyaaraddaha dagaalka ee Suudaan oo isla Xeradoodii ku garaacay Duqayn Culus