Home Wararka Maanta Ciidamada Jubaland oo Maantay Markale Alshabaab Weerar Soo Qaaday Afka Ciida Udaray

Ciidamada Jubaland oo Maantay Markale Alshabaab Weerar Soo Qaaday Afka Ciida Udaray

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa ka hortegay weerarka Al-Shabaab, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

War kooban oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab oo uu ujeedka ahaa in lagu beesado ciidanka deggan Janaay Cabdalle.

“Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada hoose ayaa fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay doonayeen in Khawaarijta ay kusoo qaadaan saldhigga ciidamada ee deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in goobta lagu dilay 5 xubnood, ayna maydadkooda iyo kuwa kale oo dhaawac ah ka carareen kooxdii weerarka soo qaaday.

“Maleeshiyaadkii weerarka fuleynimada ah soo qaaday waxaa loo dhigay cashir aysan iloobin doonin iyagoo isaga cararay meydadka shan kamida khawaarijta iyo dhaawaca qaar kamida Argagixisadii.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Horay sidaan oo kale ayaa kooxda Al-Shabaab loogu jabiyay weerar ay kusoo qaadeen Buulo-xaaji, waxaana kadib madaxweynaha Jubbaland uu abaal-mariyay ciidamadii ka hortegga sameeyay ee jilibka u dhigtay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara oo baaqday ogoow Sababta
Next articleCiidamada PSF oo Digniin Culus U diray Diyaarada Itoobiya iyo Daalo