Home Wararka Maanta Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara oo baaqday ogoow Sababta

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara oo baaqday ogoow Sababta

0

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday wajiga saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida uu qorshuhu ahaa 17-ka bishan ayaa la filayay in dib loo amba qaado wada-hadallada, si looga xaajooda xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland

Sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulankan ayaa ah in weli uusan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo ay labada dhinac ka sameeyeen xiisadda taagan, waxaana Itoobiya ay ku dhagan tahay heshiiska badda, halka Soomaaliya uu weli halkeedii yahay mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada wajiga saddexaad ayaa kusoo aaday, iyadoo xiisadda ay kasii dareyso, isla markaana labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka magaalada Ankara.

Shirkan ayaa noqon lahaa kii saddexaad oo ka dhaca Turkiga, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleItoobiya oo Dowlada Soomaaliya ku Tilmaamtya Mid Daciif ah oo kaliya Miqdisho ka Talisa
Next articleCiidamada Jubaland oo Maantay Markale Alshabaab Weerar Soo Qaaday Afka Ciida Udaray