Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Kormeeray Xaruntaan Muhiimka ah oo...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Kormeeray Xaruntaan Muhiimka ah oo kubTaal Baydhabo(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray Terminalka Garoonka magaalada Baydhabo oo la keenay qalab casri ah, kaas oo la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah.

Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Safar Dadbadan Dhaliileen ku Tagay Gaalkacyo(Sawiro)
Next articleP.m Xamse oo Safarkii Baydhaboo Kadib Galabtay soo Laabtay