Home Wararka Maanta Jaamacada Carabta oo Markale Taageertay Soomaaliya itoobiyana Ka Hortimid

Jaamacada Carabta oo Markale Taageertay Soomaaliya itoobiyana Ka Hortimid

0

Wadamada Jaamacadda Carabta oo si buuxda u taageeray madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya farriina u diray Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir-gudoomiyay shirka kooxda wada shaqayneed ee Wasiirada Carabta oo ay barbar socdeen kalfadhiga 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ayaa waxaa isugu yimid wasiirada arrimaha dibadda ee ka socday guddiga dalalka Carabta ee taageera Soomaaliya.

Diirada dooda ayaa ahayd sidii loo wanaajin lahaa midnimada Carabta iyo taageerada Soomaaliya ay ku bixinayso dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Guddigu waxay dib u xaqiijiyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Soomaaliya, waxayna si wadajir ah u diideen faragelin kasta oo dibadda ah ama isku dayga ee lagu xad-gudbay madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirada ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamada dariska gaar ahaan Itoobiya in ay ka fogaato falalka wax u dhimaya xasiloonida iyo qaranimada Soomaaliya.

Shirkaas oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Arrimaha Dibadda, Sucuudiga, Baxrayn, Mauritania, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Djibouti iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa si wada jir ah u diiday Heshiiska Is-fahamka ee Itoobiya (MoU) ee ku xusan qoraalka rasmiga ah ee Guddiga Carabta iyagoona taageeray Soomaaliya.

Talaabadani waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay Ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah in ay difaacaan oo ay dhawraan madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo raacaya mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta la’aanta iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed.

Ad
Previous articleMaxaa Kasoo Baxay Kulankii Laftagareen iyo Raysulwasare Xamse ee Baydhabo?
Next articleMusiibo Qaran Taliye uu Dhacaayay oo Goordhow lagu Xukumay DilbToogasha ah