Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ku Hanjabtay Inay Dagaal lagalayso Ciidamada Itoobiya

Dowlada Soomaaliya oo ku Hanjabtay Inay Dagaal lagalayso Ciidamada Itoobiya

0

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in haddii ay Itoobiya ay ku sii socoto dhaqangalinta Is afgaradkii Muuse Biixi ay ka dhigan tahay, dagaal iclaamin cad oo ay Soomaaliyana ka jawaabayso, iskana difaacayso xadgudubka madax banaanideeda ee Itoobiyaanka isku dayayaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa cadeeyey in ay Soomaaliya qaadayso talaabooyin adag oo ku difaacanayso dalkeeda ayna haysato ciidan iyo awood ku filan, oo ka hortagaysa damaca Itoobiya.

Mr, Balcad ayaa sheegay in aysan wali ciidanka Masar tagin Soomaaliya, balse ay sugayaan waqti dhaw in ay yimadaan, si ay qeyb uga noqdaan Amniga gudaha & difaaca madax banaanida Soomaaliya, oo sidaas codsatay dawladda Faderaalka.

Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in ay Masar geysay Muqdisho saanad milateri dhawaan, looguna talo-galay in loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada & cid kasta oo kusoo xadgudubta madax banaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa cadeysay in ay Masar u ogolaadeen in ay gudaha Soomaaliya ka dagaalamaan ciidankooda, ayna qeyb kanoqdaan difaaca madax banaanida Qaran ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Xilka Ka Qaaday Wasiirkii Warfaafinta Galmudug
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Kharaar oo Maalinkii Labaad ka Socda Gobalka Mudug