Home Wararka Maanta Khilaafka Itoobiya iyo Masar ee wabiga Niil ayaa cirka isku shareertay

Khilaafka Itoobiya iyo Masar ee wabiga Niil ayaa cirka isku shareertay

0

Itoobiya ayaa sheegtay in “Masar ay qasab ku tahay in ay ka tanaasusho ujeedkeeda gardarada ah” ee ku aadan biyo xireenka wabiga Niil iyadoo xiisadda labada dal u dhexeysa ay sii kordheyso.

Addis Ababa ayaa ka jawaabeysay warqad ay Masar u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkii la soo dhaafay taas oo ku eedeyneysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay qeynuunka caalamiga iyadoo heshiis la’aan sii waday in ay dhisto biyo-xireenka.

Itoobiya ayaa warqad ay kaga jawaabeyso ku diiday eedaas iyadoo ku tilmaantay eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn.

Khilaafka labada dal ayaa soo bilowday 2011kii markii Itoobiya ay bilwoday in ay biyo-xireen ka dhisto wabiga Niil.

Masar ayaa si weyn ugu tiirsan wabiga Nile biyahiisa waxayna ka baqeysaa in biyo-xireenka uu carqaladeyo socodka biya, waxayna sheegtay in labo heshiis oo xilligi gumeystaha ay xaq u siinayaan in ay diido mashaariicda biyo-xireenka.

Ad
Previous articleDhuusamareeb oo xal u heshay geedka garanwaaga
Next articleMuqdisho oo Prank looga maara la’yahay iyo Ciidamada amaanka oo Digniin Soo diray