Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo War layaab leh Kasoo Saaray Hoobiyayaashii Muqdisho Lagu Garaacay

Booliska Soomaaliya oo War layaab leh Kasoo Saaray Hoobiyayaashii Muqdisho Lagu Garaacay

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saaray ayaa si la yaableh uga hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayada oo lala eegtay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in jugta qaraxyada la maqlay ahaayeen kuwa dheemish ah oo la dhashay baco ay Al-Shabaab dhigeen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu boolisku xaqiijiyay in wax khasaare ah uusan jirin, isla markaana magaalada ay tahay nabad, sida lagu shaaciyay qoraalka.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la dhigay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad”.

Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa xalay la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen.

Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada.

Ad
Previous articleWadahadaladii ugu Danbeeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee Ankara oo la Waqtiyeeyey
Next articleDowladda Masar oo diyaarado cusub oo dagaal ay kasoo iibsanaysa Shiinaha, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya.