Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Hoobiyayaal Xalay Lagu Garaacay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Hoobiyayaal Xalay Lagu Garaacay Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo qalqal ku beeray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen.

Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in qaraxyada la maqlay ay ka dhasheen bacasho dheemish ah oo ay tilmaameen in Al-Shabaab ay ku cabsi galinayeen shacabka ku dhaqan caasimada.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana weli soconayo baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka, si gacanta loogu soo dhigo dambilayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa ku beeray reer Muqdisho.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo qaybo kamid ah degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleSarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi saraakiil Mareykan ah oo maanta gaaray furinta hore ee dagaalka
Next articleKoonfurgalbeed oo Si Adag ugu soo Jawaabtay odayaashii Hawiye