Home Wararka Maanta Muxuu maanta Jigjiga ka sheegay abaanduulaha militariga Itoobiya?

Muxuu maanta Jigjiga ka sheegay abaanduulaha militariga Itoobiya?

0

Waxaa magaalada Jigjiga si weyn looga xusayaa sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegtay aasaaska taliska ciidamada bariga, iyadoo halku-dhiggiisuna uu yahay “Waxaan nahay ciidamada Itoobiya ee qeybta bari”.

Birhanu Jula, abaanduulaha militariga Itoobiya iyo Abebaw Tadesse, oo ah ku xigeenka taliyaha ciidanka, ayaa waxaa labadoodaba ku soo dhaweeyay Jigjiga Mustafe Maxumed, madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo ay weheliyaan saraakiisha sarsare ee ciidamada.

Taliyaha guud ee ciidamada xoogga Itoobiya Birhanu Jula oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Taliska Bari uu yahay talis si geesinnimo leh uga soo baxay waajibaadkooda shaqo ee deegaannada bariga dalka iyo guud ahaan dalka

Field Marshal Birhanu Jhula, oo tilmaamay in is-ballaarintu ay tahay maskax sun ah oo horseedaysa dagaal, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in taariikhda laga barto in dagaalku uu baabi’iyo dadka iyo dhaqaalaha.

Waxa uu sheegay “in ciidamadan is-ballaarinta wada ee dagaalka ka wada bariga dalka aysan ilaawin in uu jiro difaac adag oo ilaalinaya qaranimada Itoobiya.”

Abaanduulaha ciidamada qalabka side ee Itoobiya ayaa xusay in Ttaliska Bari uu yahay ciidan geesiyaal ah oo dalka ilaalinaya, islamarkaana xoojiyey ammaanka bariga, guulana kasoo hoyay gobollada waqooyi ee Itoobiya.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxammad ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka difaaca qaranku uu yahay ciidan weyn oo dalka iyo dadkaba ku faani karaan, isagoo si hufan u gutay hawshii loo igmaday.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dagaalkii ay ciidamada deegaanak la galeen al-Shabaab isaga oo sheegay inay burburiyeen kuwii ku soo duulay gobollada bari ee dalkaas.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidanku ay yihiin ciidamo hawlo caalami ah ka wada meelo ka baxsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Bari Janaraal Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in tTaliska Barigu uu ku guulaystey in uu ka gudbo khatartii duulaanka ahaa ee ay ku soo qaadeen bariga dalka, isla markaana ay u nafta u hureen cid kasta oo damacsanayd in ay Itoobiya khalkhal geliso.

Waxaa uu sidoo akle farta ku fiiqay sida naf-hurnimada leh ee ay ciidamadu ay naftooda ugu hureen nabadda dalalka deriska ah.

Xukan maanta Jigjiga ka dhacay ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku si shareereyso xiisadda u dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiisadda Geeska ayaa ka bilaabatay heshiiskii is afgarad ee ay magaalada Addis Ababa ku wada gaareen madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo rai’sul wsaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowladda soomaaliya ayaa heshiiskaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah islamarkaana lagu xadgudbay qarannimadeeda iyo madaxbananideeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis iskaashi oo dhanka militariga ah la gashay Masar taasi oo xiisadda uga sii dartay.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxay isku hayaan biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Isku dayo iyo dadaallo ay wadday dowladda Turkiga oo la doonayay in lagu xalliyo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaan wax natiijo ah laga gaarin.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ka joogaan cidamada nabad-ilaalinta.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo maantay Qaaday Talaabo Adag oo La xariirta Xiisada Itoobiya
Next articleWar Deg Deg ah:Dagaal Culus oo Ka socda Galmudug Yuu U Dhaxeeyaa?