Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Golaha Wakiilada Soomaalilad oo Go’aan lama Filaan ah...

War Deg Deg ah: Golaha Wakiilada Soomaalilad oo Go’aan lama Filaan ah ka Gaaray Xildhibaan Abiib

0

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta la geeyay xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuuusuf, oo shalay la xiray.

Mudaneyaasha golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xasaanad ka xayuubinta la geeyay golaha, ayada oo sidaas uu ku burau qorshaha xukuumadda Muuse Biixi ay rabtay inay golaha uga saarto Abiib.

57 xildhibaan oo saaka ka soo xaadiray golaha ayaa 3 muddane oo kamid ah ogolaadeen in maamuus ka xayuubin lagau sameeyo xildhibaan Maxamed Abiib, halka ay diideen 51 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa ka aamusay 2 muddane, iyada oo guddoomiyuhuna uusan codeyn, waxaana sidaas kusoo dhamaatay soo jeedintii xeer ilaalinta ee maamuus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa shalay lagu xiray magaaladda Hargeysa, illaa haddana golaha wakiilada arrintaan kama bixin faah-faahin, marka laga imaado inuu cod aqlabiyad ah ku diiday qorshihii xukuumadda rabtay in golaha looga saaro Abiib.

Xildhibaanka ayaa hadda waxa uu ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, sida ay sheegeen xubno kala duwan oo ka tirsan xisbiyada iyo ururada mucaaradka.

Xabsigan ayaa ay mid fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray, waana xabis horey loogu xiray siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah.

Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan.

Ad
Previous articleCristiano Ronaldo Oo Shaaca Ka Qaaday Xilliga Uu Ka Fariisanayo Ciyaaraha Caalamiga Ah
Next articleCiidamada Booliska Soomaaliya oo maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho