Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Barre oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

Xamse Cabdi Barre oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.

Kulankan ayaa daarnaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, kaddib heshiiskii Difaaca ee Masar iyo Soomaaliya wada galeen labo todobaad ka hor kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abdelfatah Alsisi.

Loolanka Gobolka ee dhanka Geopolitics ayaa xoogeystay, wixii ka dambeeyay MOU-gii ay Itoobiya la gashay Maamulka Somaliland 1-dii Janaayo 2024, waxaana durba abuurmay isbaheysiyo gobolka ah oo horay isugu hayay loolan istiraatiiji ah.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii lagu Burburiyay Suuqa Tabeelaha Shikh ibrahim
Next articleMuuse Biixi oo Gaaray Boorame Xiisadii Baddana Dab kusii Shiday