Home Wararka Maanta Ceerigaabo Dad Hor leh Xalay ilaa Maantay lagu Laayay

Ceerigaabo Dad Hor leh Xalay ilaa Maantay lagu Laayay

0

Faahfaahin dheeraad ah: Hal ruux oo haween ah ayaa ku geeryootey ilaa saddex ruux oo kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii dabley hubeysan oo ku lebbisan direyska SL ay jidka u galeen qoys geeddi ah oo ka baxayey magaalada Ceerigaabo.

Booliiska Somaliland oo caydhsaday dabley ayaa la soo werinayaa in ay nin ka dileen dableyda.

Dhinaca kale Guddiga Amniga Ceerigaabo ayaa codsaday in la aaso Ayuub Boqor Gacmayare oo xalay ku dhintay rasaas lagu furay, iyada oo guddigu sheegey in ay soo xidhayaan askarta SL ee dishey, sida inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Ilaa 12 ruux ayey noqonayaan dadka lagu diley xiisadda magaalada madaxda gobolka Sanaag ee labada dhinacba, todobaadkan oo keli ah.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Ka Hadlay Garab Istaagii Beesha Sacad ee Qabashadii Xaraedheere
Next articleDowlada Itoobiya oo Wasiir Fiqi iyo Madaxda soomaalida ku Tilmaamtay Dad aan Dowladnimada Waxba Ka Aqoon