Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Xasan Shiikh Ku tilmaamtay Isbaariste

Puntland oo Xasan Shiikh Ku tilmaamtay Isbaariste

0

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland , ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, heer ayba ku tilmaameen Madaxweynaha  in uu yahay Magafe oo kale .

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu yahay Magafe, magacaas oo loo yaqaan ragga wax tahriibiya ee lacagta madax-furashada ah ka qaata dadka tahriibayaasha ah.

Waxa uu sheegay Wasiir Caydiid in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isbaaro u dhigtay mashaariic badan oo dhinaca horumarinta ah oo Puntland laga fulin lahaa, waxa uuna xusay in uu u xannibay masharaiicdasai kaddib markii ay ka diideen in isagu maamulo.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa Magafe ,waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland, waxaana uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Magafe ah oo isbaaro dhigtay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurkii iyo sharcigii lagu doortay ee dalka islamarkaana baabi’in ku wado nidaamka dowladnimada Soomaaliya taasina tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Eedeyntan culus oo Puntland kasoo yeertay ayaa kusoo aadaya xilli uu go’ay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaddib markii ballamo badan uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii doorashada uga ballanqaaday Madaxweyne Deni uga baxay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Xariga Ka Jartay Xarun Dadka Muqdisho farax Galisay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka Bilowday Canshuur layaab leh