Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Shaaciyay Canshuurtii Ugu Badnayd oo Abid Kasoo Xarootay Muqdisho

Xasan Shiikh oo Shaaciyay Canshuurtii Ugu Badnayd oo Abid Kasoo Xarootay Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb-galay bandhigga waxqabadka xukuumadda DanQaran oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan canshuurta dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyntii shacabka Soomaaliyeed farriin culus u diray, wuxuuna ku boggaadiyay inay garab istaagaan dowladda, ayna bixiyaan canshuuraha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday canshuurta laga qaado kirada guryaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in markii hore ay kasoo xaroon jiray lacag 600 oo kun, balse ay haatan gaartay illaa hal milyan oo dollarka Mareykanka ah.

“Guryaha kiradooda maalin dhaweyd waxaan aad iyo aad uga farxay oo wasaaradda maaliyadda waxay noo sameysay persentation waxay soo bandhigtay saddexdii sano ee lasoo dhaafay sanad kasta 600 oo kun ayaa kasoo xaroon jirtay bishiina waxay noqoneynaa 50 kun,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay canshuurtii soo xarootay bishii July ee sanadkan, wuxuuna shaaciyay in wasaaradda maaliyadda ay kusoo dhacday bishaas hal milyan oo ah kirada guryaha.

“Maalin dhaweyd waxaan aad ugu farxay Report ay ii keentay wasaaradda maaliyadda bishii July ee naga dhamaatay kirada guryaha inay hal milyan oo lacag ah ay kasoo xarooto waa bishii July bis 50 kun sida ay usoo kordheysay milyan ayay marowsaa” ayuu yiri.

“Canshuurta aan hadda isku haysanaa waa canshuur ku waajibtay koobkaas shaaxa ah iyo dhaladaas biyaha ah, haddii ganacsadaha jumlo wax kusoo iibsado canshuur lagama rabo laakiin halkii shay ee qofkii isticmaalayay ka gaday meeshaas waayay qofka ay canshuurta saaran tahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dameyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Laba gacmood oo lacag is dhaafsaday canshuur ayaa ku waajibeysa inta ay doonto iyo magaca ay doonto hala ahaado”.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Soo Buuxdhaafiyay Duleedka Magaalada Kismaayo
Next articleMaraykanka iyo Israil oo Weerar Ba’an ku Qaaday Lubnaan