Home Wararka Maanta Hormar laga sameeyay wadaxaajoodyada Xamas iyo Israa’il

Hormar laga sameeyay wadaxaajoodyada Xamas iyo Israa’il

0

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in “horumar laga gaaray” wada-hadallada ay martigelisay caasimadda Masar ee Qaahira, dadaalka loogu jiro in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Gaza.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da William Burns, ayaa ka mid ah masuuliyiinta wada wadahadalada gar-wadeenka ka ah.

Madaxtooyada Masar ayaa Jimcihii sheegtay in Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi iyo dhiggiisa Maraykanka Joe Biden ay ku wada hadleen khadka taleefoonka muhiimadda ay leedahay in Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyaan dabacsanaan ku aaddan wada xaajoodka lagu doonayo in xabbad-joojin lagu dhaqangaliyo Gaza laguna sii daayo la haystayaasha.

Illo ka tirsan Masaarida ayaa u sheegay Wakaalada Wararka France-Presse in wareega wada xaajoodyada “balaaran” ay bilaaban doono maalinta Axada ah oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiinta Masar iyo Qatar.

Ad
Previous articleMaxay puntland ka tiri in ay toogasho ku fuliyeen carruur lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen al-Shabaab?
Next articleDowlada Itoobiya oo Ku qasbaanaatay Amar Dowlada Soomaaliya Duldhigtay