Home Wararka Maanta Dagaalkii Yaaqbariwayne oo Sii Xoogaystay Iyo Xildhiban Dahir Amin Jeesoow oo Hanjabay

Dagaalkii Yaaqbariwayne oo Sii Xoogaystay Iyo Xildhiban Dahir Amin Jeesoow oo Hanjabay

0

Dagaal Qaraar ayaa Tan iyo Saakay Ka socda Degeenka Yaaqbariwayne Dagaalkaan ayaana U dhaxeeya Ciidamo Macawislay ah oo Ka Tirsan Beesha Xawaadle iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed.

Ciidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed ayaana Weerar Ku qaaday Ciidamadaan Macawislayda oo ay ku eedeeyeen inay Isbaaro Dhigteen Islamarkaasna Diideen inay Qaadaan Isbaaradaan.

Balse Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa Arinkaasi Ku Tilmaamay Been Abuur Wuxuuna sheegay In Dagaal Qabiilaysan Lagu soo Qaaday Daahir Amin Jeesoow ayaana Sheegay in Ciidamada Koonfurgalbeed Weerareen Macislay Alshabaab Loo Diyaariyay Inay La dagalaan.

Daahir Amiin Jeesoow ayaa intaas ku daray in Ciidamadii koonfurgalneed laga Dilay ilaa iyo 10 Askari 20 kalana Laga Dhaawacay Wuxuuna Wacad ku maray inay iska Difaaci Doonaan Ciidamo uu ku Tilmaamay RRA oo uu ula jeedo Ciidamada Beesha Raxanwayn in ay iska Celin Doonaan.

lama Oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ilaa Hada ka dhashay dagaalkaan oo Marbmarka ka Danbaysa Sii xoogaysanaaya kuwaas oo labada Dhinac kala Helaayaan Gurmadyo Hor leh.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka socda Degmada Yaaqbariwayne
Next articleQaraarkii xalay ee Golaha Wasiirada ka soo saaray arrimaha canshuuraha iyo dakhliga dalka. Yaa guuleystay, Yaana laga guuleystay?