Home Wararka Maanta Alshabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Xeradii Shalay Lagu Fashiliyay Baaburta Qaraxyada...

Alshabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Xeradii Shalay Lagu Fashiliyay Baaburta Qaraxyada Siday

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha weerar culus oo loo adeegsaday madaafiic oo xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado dhaca duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaafiicda oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa lala beegsaday xaafadaha Macaani, Siinka Dheere iyo qaybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo maalmihii u dambeeyay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen ciidamada ammaanka ee dowladda.

Weerarkan ayaa dhacay xalay shaq-dhexe, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in mar qura ay hurdada kasoo tooseen, kadib markii ay ku bilowdeem madaafiic xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha la duqeeyay ku sugan ciidamada NISA iyo kuwa Boolis Milataaro oo iyaguna saaka dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Waa weerarkii labaad ee muddo 24 saac gudahood ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso duleedka Muqdisho, waxayna ahayd isla shalay markii xaafadaha haatan lagu garaacay madaafiicda ay ka dhaceen laba qarax oo mid kamid ah ciidamada ay fashiliyeen, halka kan kale oo ahaa ismiidaamin lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda.

Ugu yaraan 5 askari ayaa lagu dilay goobta, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii ay Shabaab ay kordhiyeen weerarada caasimada.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Itoobiya Ku eedeeysey dad Soomaaliyeed oo lalaayay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka socda Degmada Yaaqbariwayne