Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Digniin Adag Udirtay Diyaarada Dubai airline

Dowlada Soomaaliya oo Digniin Adag Udirtay Diyaarada Dubai airline

0

Dawladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in dalkeeda ay ka mamnuuci doonto duullimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines 23-ka August 2024, haddii aanay dhowrin madax-bannaainda dhuleed ee Soomaaliya iyo badqabka rakaabka Soomaalida.

Farriin qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ayaa shirkaddan Itoobiyaanka ah ku eedeeysay in ay iska dhago-marisay, adeegsiga magaca Soomaaliya oo beddelkeed ay isticmaasho magacyada garoomada ay ku wajahan tahay oo keliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marar badan ay kulammo la yeelatay masuuliyiin Itoobiyaan ah si arrintan loo xalliyo laakiin aan wax natiijo ah laga gaadhin.

“Haddii aad tixraac u baahataan waxaad fiirin kartaan Application-ka mobile ka ama mareegta Ethiopian Airlines,” ayaa lagu yiri farriinta loo diray Addis Ababa.

Ad
Previous articleMid kamid ah Agaasimayaashii Xasan Shiikh mudada La Shaqaynaayay Oo Caawa Xilka Laga Qaaday
Next articleWasiirada Soomaaliya oo qaaday talaabo ka Farxisay Ganacsatada Muqdisho