Home Wararka Maanta Mid kamid ah Agaasimayaashii Xasan Shiikh mudada La Shaqaynaayay Oo Caawa Xilka...

Mid kamid ah Agaasimayaashii Xasan Shiikh mudada La Shaqaynaayay Oo Caawa Xilka Laga Qaaday

0

Abdirahman Hudeyfi, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ahna Afhayeenka Madaxtooyada, waxaana xilkii laga qaaday Abdulkadir Ali Dige.

Dige, ayaa 2-adii sano ee lasoo dhaafay ahaa Agaasimaha Warfaafinya ee Villa Somalia, waxa uuna markii hore katirsanaa kooxdii ololaha ee MW Xasan Sheekh, balse waayihii dambe waxaa jiray khilaaf ka dhax taagnaa Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha, taasoo sababtay in uu ku baxo Afhayeenkii hore, halka Afhayeenka cusubna uu la kowsaday khilaaf iyo caqabado kale ilaa arrintu gaartay meel adag.

Agaasimaha cusub oo ahaa Rugcadaa saxaafadeed waxaa horyaalo caqabado badan oo xal uga baahan waxaana ugu culus dhibaatooyin Madaxweynaha ka heesta baahinta wax qabadkiisa iyo lafal gelidda waxa dalka ka socda.

Ad
Previous articleCiidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaayo Xoogan ka wada Gudaha Soomaaliya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Digniin Adag Udirtay Diyaarada Dubai airline