Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo Gaaray Xeradii lagu Fashiliyay Qaracyadii Saakay

Sanbaloolshe oo Gaaray Xeradii lagu Fashiliyay Qaracyadii Saakay

0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas.

Ad
Previous articleAskari isku dhigay Gaari Buruuf oo Qaraxyo Alshabaab kusoo Rareen Iyo askar kale oo Ku Dhimatay Qarixii saakay
Next articleCiidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaayo Xoogan ka wada Gudaha Soomaaliya