Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qarax labaad oo la doonaayay in Lasoo Galiyo...

War Deg Deg ah: Qarax labaad oo la doonaayay in Lasoo Galiyo Muqdisho oo La qabtay

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ayaa ka hortegay qarax labaad oo la doonayay in lasoo galiyo Muqdisho, kaas oo lagu soo raray gaari ay gacanta ku dhigeen ciidamada kahor inta uusan soo gelin caasimada.

Baabuurka oo ahaa nooca raaxada ayaa lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana lagu guuleystay in la qarxiyo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay Muqdisho iyo duleedkeeda, maadaama uu ahaa mid xoogan oo ay kooxda damacsaneyd inay ka fuliso gudaha caasimada.

Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray xero ciidamo ka tirsan kuwa NISA ay ku lahaayeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo isna gaari loo deegsaday ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo weli wada baaritaano dheeraad ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay aagga degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir, waxayna sheegtay inay khasaare culus ku gaarsiisay ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ka bixiyeen qaraxyadaan maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Ka dhacy Muqdisho
Next articleAlshabaab oo toogtay Ciidamo Ka Tirsan Jubaland oo gacanta ay ku dhigeen