Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Ka dhacy Muqdisho

Wararkii Ugu danbeeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Ka dhacy Muqdisho

0

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleUNka oo Sheegay inay Digniinihii Ay soo Saareen ee Qaraxyada ay Ahaayeen Been Abuur
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax labaad oo la doonaayay in Lasoo Galiyo Muqdisho oo La qabtay