Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo Gaaray oog ay ku Suganyihiin Ciidmadii Goojacade laga Soo...

Muuse Biixi oo Gaaray oog ay ku Suganyihiin Ciidmadii Goojacade laga Soo Saaray kuna Baaqay Dagaal Culus

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay magaalada Oog oo ah Taliska ciidanka SL ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sugida amniga xaduudaha iyo soo celinta waxa ugu yeeray dhulka Somaliland.

Muuse Biixi isagoo la hadlay askar lasoo tubay ayuu sheegay in dagaalku uusan dhammaan ilaa guusha u dambeysa la gaaro, isagoo jabkii 25kii Augustna 2023-kiina kasoo qaaday maalin meel laga kiciyey oo aan wax weyn aheyn, laakiin ay deg deg Somaliland ugu laaban doonto.

Warbaahinta, waxay ogaatay in 2dii maalmood ee lasoo dhaafay Itoobiya ay u daabusho dhinaca Somaliland, saanad milateri, taas oo qeyb ka ah Is afgaradka ay labada dhinac kal hore gaareen.

Madaxweyne Biixi ayaa imaanshaha ciidanka Masar ee Soomaaliya kusifeeyey dalab holac ah oo geeska Afrika u rogi doona aag dagaal, iyadoo mid kamid ah saldhigyada ay Masar quul-dareynayso uu ku dhaw yahay magaalada Oog oo uu ka hadlayay Muuse Biixi.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Cabashadii Bajaajlayda oo Go’aano Farxad leh laga Soo Saaray
Next articleDowlada oo deg deg ku Tagtay Dakada Kadib Cabashadii Ganacsatada Muqdisho