Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Ganacdatada oo Xalay Saqdhexe Heshiis Gaaray

Dowlada Soomaaliya iyo Ganacdatada oo Xalay Saqdhexe Heshiis Gaaray

0

Xildhibaan Ilyaas oo Ka Qaybgalay Shirka Ay Yeesheen Madaxda Sare ew Dalka Iyo Ganacsatada ayaa Shaaaciyay In Heshiiskaan Lagaaray:

Waxaa goordhow soo dhamaaday shir saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ganacsatada Suuqa Wayn ee Bakaaro iyo Dowladda oo iskugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Amniga, Hantidhowraha Guud iyo Raisul Wasaare Hamze A. Barre.

Ganacsatadu waxeey cadeeyeen in aysan diidaneeyn fududeeynta bixinta canshuurta dowladdu shaacisay lakin ay jiraan ilaa sagaal (9) cabasho oo u baahan in dowladdu xaliso.

Intaas kadib, Raisul Wasaaraha oo afka Dowladda ku hadlay ayaa balan qaaday in dhamaan cabashooyinka ay Ganacsatadu sheegeen ay dowladdu ku xalin doonto mudo aan ka badneeyn labo Isbuuc.

Dhanka kale, Ganacsatada ayaa dhankooda balan qaaday in ay toos u bilaabi doonaan fududeeynta bixinta canshuurta dowladdu shaacisay waqtigii loogu talagalay.

Hadii aa nahay Barlamaanka dalka waxaan hubin doonaa fulinta hishiiska ay dowladdu lagashay Ganacsatada Mogadishu.

Ganacsatada ayaa Horay ugu Hanjabay inay Maanray xiri Doonaan Suuqa wayn ee Bakaaraha Iyo Dakada Magaalada Muqdisho lama Oga Heshiiskaan inuu Baajin Doona Bananbaxyo Maantay La Filaayay inay ka Dhacaan Caasimada Soomaaliya.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Ka hadlay Ciidamada Masar ee Soomaaliya Loosoo Diraayo
Next articleSuuqawayn ee Baakaraha Maantay Xiran iyo Ciidamo Xoog Kufuraayo oo loo Diray