Home Wararka Maanta Akhriso:- Qodobada looga hadlayo Shirka London ee Raisal Wasaare Rooble ka qeyb...

Akhriso:- Qodobada looga hadlayo Shirka London ee Raisal Wasaare Rooble ka qeyb galayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada london ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Arrimaha waxbarashada iyo dhalinyarada iyo sidoo kale sidii horay loogu socon lahaa maadaama Cudurka Coronavirus uu saameeyay waxbarashada Adduunka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaalada waxbarashada Soomaaliya, mid doorashooyinka iyo baahiyaha Guud ee xilligan kajira Soomaaliya.

Sidoo kale  waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada london kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda & Ra’iisul Wasaaraha ingiriiska, isla markaana uu kala hadli doono marxalada doorasho ee lagu jiro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filaya ain uu si deg deg ah ugu soo laabto Magaalada Muqdisho maadaama uu horkacayo howlaha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka bilaabanaya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhuusomareeb: Gaadiidleyda oo maanta dhigay Banaabaxyo
Next articleMaamulka Galmudug oo Digniin Adag kasoo saaray Dad doonaya in ay Qalgaliyaan Doorashada