Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Go,aan ka nixiyay...

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Go,aan ka nixiyay Dadka Muqdisho

0

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in laga bilaabo 18ka bishan macaamiisha gadanaysa alaabaha kale duwan laga qaadi doono lacag dhan 5% Canshuurta iibka ah.

waxayna sheegtay wasaaradda Maaliyadu in ganacsadihii aan macmiilka wax iibsada lacagtan ku dalacin Hantidiisa laga jari doono Qaansheegadka dawladda.

Lacagta ayaa laga qaadi doona Merchant Account-yada Dadka Reer Muqdisho ayaana aad Uga Naxay Go’aankaan Waana Dadka ugu Horeeyo oo ay Samayn Doonto Canshurtaaan.

Ganacsatada Muqdisho ayaa ayaguna Shalay Xariirka Ujaray Dowlada Soomaaliya ayagoo Sheegay inaysan dakada Muqdisho kala Soo dagi Doonin Wax Badeeco ah inta Laga Xalinaayo Lacago Waali ah oo Dekada Lagu soo rogay Kuwaas oo loo Xiray Shirkado iyo Shaqsiyaad Gaar ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Lagu eedeeyey Dhul booob iyo Lacago Waali ah oo usoo Rogay inta uu Xilka haayay Dowlada Soomaaliya ayaana Qorshaynaysa inay Ka Maaranto Kaalmada Dibada Taas Badalkeeda Dalka laga Aruuriyo Canshuuro.

Ad
Previous articleItoobiya oo Wacad ku Martay inaysan Bad la’aan joogayn Turkiga u Mahad celisay
Next articleFarmaajo oo Soo Faragaliyay Bajaajlayda Muqdisho Lagu Dhibaataynaayo