Home Wararka Maanta Itoobiya oo Wacad ku Martay inaysan Bad la’aan joogayn Turkiga u Mahad...

Itoobiya oo Wacad ku Martay inaysan Bad la’aan joogayn Turkiga u Mahad celisay

0

Itoobiya ayaa goor dhaw sheegtay in ay sii wadayso dadaalkeeda diblumaasiyadeed ee la xariira helida Biyo badeed, waxayna sheegtay in ay jid kasta u marayso sidii loo hubin lahaa gaarida Biyaha Badda iyo adeegsigeeda oo sugan.

Hadal-hayeenka wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla, oo hadda wariyayaasha kula hadlaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay arrintan ka shaqeynayaan, wajiga 3aad ee shirka Ankarana ay tagi doonaan, isagoo amaan kala dul-dhacay Turkida.

ATMIS: waa qasab in nagala tashado!

Tedla ayaa sheegay in ay qasab tahay in lagala tashado howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, haddii labedelayo magaca iyo shaqadiisaba, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya qeyb katahay qorshahan, loona baahan yahay in la dhageysto oo lagu qasban yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ad
Previous articleHorjoogihii Alshabaab ee Ugu Caansanaa Galmudug Oo Geeriyooday iyo Cida uu kasoo Jeeday
Next articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Go,aan ka nixiyay Dadka Muqdisho