Home Wararka Maanta Ukraine oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen 100 askari oo Ruush...

Ukraine oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen 100 askari oo Ruush ah

0

Warar kala duwan ayaa ilaa iyo haatan ka soo baxaya dagaalka Ruusha iyo Ukraine.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky, ayaana barahiisa bulshada ku daabacay warar ku saabsan dagaalka.

Madaxweynaha ayaa la arkay mar uu muuqaal kula hadlayay taliyaha ugu sareeya ee milatariga Ukraine kaas oo lagu magacaabo Oleksandr Syrskyi, waxa uuna ka dhageystay xog ku saabsan halka uu dagaalka marayo.

Taliyaha ayaa madaxweynaha u sheegay in ay gacanta ku dhigeen 100 askari oo Ruush ah intii ay ku guda jireen duulaanka ay ku qaadeen gobolka Kursk ee Ruushka.

“Waan u mahad-celinayaa qof kasta oo ku lug leh,”ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa ‘X’ ku daabacay madaxweyne Zelensky, “Tani waxa ay soo dadaji doontaa ku soo laabashada wiilasheena iyo gabdhaheena guryahooda.” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine.

Ad
Previous articleCiidamada Sudan oo iska diiday in ay ka qeyb galaan wadahadallo ay Mareykanka garwadeen ka yihiin
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Musharixiinta Galmudug Digniin U diray