Wadahadallo nabadeed oo cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 16-ka bilood qaatay ee Suudaan ayaa billowday in kasta oo mid ka mid ah dhinacyada dagaallamaya oo ah ciidamada qaranka ay diiday in ay ka qeyb galaan.
RSF oo war qoraal ah ku daabacday barta X, ayaa sheegtay in ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland si ay uga qeyb galaan wadahadallada, iyagoona sheegay in ay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabka Suudaan.
Dhanka kale ciidamada Suudaan ayaa diidan in imaaraadka carabta ay goobjoog ka ahaato wadahadalada, iyagoona ku eedeeyay in ay taageereen ciidanka RSF.
Mareykanka oo dhaxdhaxaadinaya wadahadalada ayaa ku baaqay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay goobjoog ka ahaadaan wadahadalada.
Hay’adda samafalka caafimaadka, MSF, ayaa sheegtay in ay jirto khatar ah in isbitaalkii ugu dambeeyay ee ka shaqeeya magaalada El Fasher ee Suudaan uu xirmo duqeymo xooggan awgeed.
Muddo dhowr toddobaad ah ayay Ciidamada gargaarka dagdagga ah isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada, iyagoona tobanaan kun oo rayid ah ku qasbay in ay qaxaan.