Home Wararka Maanta Axmed Macalin Fiqi oo Khudbad Cajib ah Jeediyay Kadib Wadahadaladii Soomaaliya iyo...

Axmed Macalin Fiqi oo Khudbad Cajib ah Jeediyay Kadib Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hogaaminaya ergada Soomaaliya ku meteleysay wadahadallada Itoobiya ee ka bilowday Turkiga ayaa galabta jeediyey Khudbad uu kaga hadlay qodobadii ay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Itoobiya, Septemer ku balansan kulan kale oo 3-aad.

Hoos ka aqriso khudbadii Wasiir Fiqi oo Tarjuman:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga labaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka.

Wadahadalkan wareeggiisa labaad waxaa laga gaaray horumar.

Madaama aan isku diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah.

Ad
Previous articleDonald Trump oo ka hadlay soo galootiga sharci darrada ah oo Soomaalidu Ku Jirto
Next articleIlhaan Cumar oo Markale ku guulaystay Doorasha Adag oo Ka dhacday….