Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Shirkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ankara oo Soo...

War Deg Deg ah: Shirkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ankara oo Soo Dhamaaday Iyo Fiqi oo Hadlay

0

Wada hadaladii Ankara ayaa u muuqda in aysan waxba kasoo bixin ilaa hadda, dhinacyaduna ay mawqifyadooda ku adag yihiin, sida ay wararku sheegayaan.

Soomaaliya & Itoobiya ayaa dhinac kasta go’aankiisa adkeystay, iyadoo Addis Ababa ku taagan tahay damaceeda biyaha Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa kala dhoofi doono, kahorna warsaxaafadeed dib loogu balamayo ayay soo saaraysaa Ankara, iyadoo lafilayo in ay labada dhinacba goobta joogaan.

Itoobiya ayaan kamid aheyn dalalka Badda leh ee Aduunka ama Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay wareega labaad ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa caddeeyay in Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay hal oo aan marnaba la aqbaleyn “Ku Qabso ku qado maysidee”

Wasiir Fiqi ayaana Cadeeyey in Natiijo la’aan usoo Dhamaaday Shirkii Ankara ayadoo loo Balamay Fadhi Sadexaad oo Waqtiga aan wali la Shaacin.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Dhabagal ah lagu qaaday Gaadiidna Laga Gubay
Next articleBooliska oo Xiray Askari Shalay Fal layaab leh Ka gaystay Magaalada Muqdisho