Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Dhabagal ah lagu qaaday Gaadiidna Laga Gubay

Alshabaab oo Weerar Dhabagal ah lagu qaaday Gaadiidna Laga Gubay

0

Howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Xogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka dhacday deegaanka Garsaala Geel-weyne oo u dhaxeeyay magaaloyinka Mesewagaaa iyo baraag Sheikh Caamir ee bariga galgaduud.

Howlgalkan ayaa lagu khaarijiyay Laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyadka Alshabaab, waxaana lagubay gaari booyad ah oo ay biya ugu daabulayeen maleeshiyadka naf lacaariga ah ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeya Mesewagaaa Iyo Cowsweyne.

Xogta Gaariga iyo maleeshiyadka wata oo Si hoose ay u la socdeen ciidanku ayaa suura gelisay in lagubo gariga Lana khaarijiyo Xubnihii ka tirsanaa Kooxda Alshabaab ee watay gaariga.

Alshabaab ayaa Ciidamada Dowlada Wadada Ugali jiray Markii hore Balse Haatan ayagii ayaa wadada Loo galayaa arinkaan ayaa Waxaa fududeeyey Ciidamada Macawislayda oo aad ukala Yaqaan Wadooyinka Alshabaab Ku Safraan Xiliga ay Dhuumanayaan.

Waana Jabkii Sadexaad oo Maantay Kaliya Gaara Alshabaab Kii kowwad ayaa Saakay Ka dhacay Xero Ciidan oo ku dhow Balcad oo Alshabaab weerar Qaraxyo ku Bilowday ay ku qaadeen Taas oo Guuldaro Dhabarka loo saariyay.

Sidoo kale Ciidamada Danab aya Weerar Culus ku qaaday Alshabaab Ku Sugnaa Duleedka Buula Xaaji kuwaas oo lagu soo qabtay Alshabab nool Nool Halka Kuwa kalana La laayay.

kani waa sawirka Booyada Laga Gubay Alshaab Taas oo Darwalkii Saarnaana La tootay

 

Ad
Previous articleJubaland oo maantay markale Cashir Culus u dhigay Alshabaab Qaarna Nolosha kusoo qabtay
Next articleWar Deg Deg ah: Shirkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ankara oo Soo Dhamaaday Iyo Fiqi oo Hadlay