Dagaal culus oo dhaxeeyo Ciidamada Xooga Dalka iyo Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Saakay u Dexmaray Saldhiga Ciidamada Dowlada Deegaanka raaxooy ee Gobalka Sh/dhexe.
Deegaanka Raaxooy Waxuu udhaxeeyaa Balcad iyo qalimow Dhawaqa Hubka culus ayaana laga maqlay Magaalooyinka qalimow iyo balcad.
Alshabaab ayaana Weerarkaan Kusoo Qaaday Ciidamada Macawilayda ee Halkaas ku sugnaa Ciidamada Dowlada oo Ka Baxay Balxad aaana Dagaalka Ka Qayb Qaatay Taas oo Alshabaab ku qasabtay inay Dib ugalaabtaan Saldhiguu ay Weerarka Kusoo Qaadeen.
Dagaalka duuleedka degmada Balcad ku dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa lasoo sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa kamid saldhigyada dhawaan ciidamada dowladda ay kala wareegeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Brundi oo muddo aad u dheer ku sugnaan jiray saldhigaas.
Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka, halka ay kooxda dhankeeda sheegatay in 27 askari ku dishay weerarkan, inkasta oo si madax-banaan loo xaqiijin karin sheegashada kooxda.