Home Wararka Maanta Soomaliland oo War Yaab leh Kasoo Saartay Wadahadala Soomaaliya iyo Itoobiya ee...

Soomaliland oo War Yaab leh Kasoo Saartay Wadahadala Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankar

0

Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda dalka Turkiga, kaas oo salka ku haya soo afjarida is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegaay in Soomaaliya aanay marnaba heshiis kula gali karin Itoobiya dhul badeed aysan awood u laheyn, taas oo ula jeedo xeebaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in heshiis ay dowladda federaalka Soomaaliya gasho aan laga fulin karin Somaliland, xilli uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu Soomaaliya iyo Itoobiya uga socdo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadda badda.

“Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC.

Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay keliya rabto inay saxeexdo is-afgaradkii ay hore u wada-galeen Somaliland iyo Itoobiya, isaggoo yiri “arrintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in dowladda Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka shanqadhisay in Itoobiya ay u ogolaan doonaan oo keliya heshiis ganacsi, kaas oo lamid ah kan ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya ee isticmaalka dekeddaha.

Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee xiisada ka dhex abuuray labada dal ayaa dhigayay in Itoobiya ay baddeena ka hesho saldhig ciidan, taas badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, taas oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado
Next articleDowlada Soomaaliya oo looga Digay Inay Badsiiso Dowlada Itoobiya